Thursday, June 24, 2010

Qarax Xooogan oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.


Qarax khasaara xoogan gaystay ayaa caawa ciidamo katirsan dowladda Federaalka KMG Somaliya lagula eegtay Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho oo kamid ah meelaha sida weyn loo ilaaliyo.
Caawa Fiidkii ayaa lamaqlay dhawaqa qarax aad u xoogan oo wadada loo dhigay ciidan katirsan dowlada KMG ah oo wadada ku lugaynayay waxaana xigay tacshiirad xoogan oo ay fureen ciidanka la weeraray.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay waxayna haleeshay kolonyo katirsan ciidanka booliska dowladda, ilaa iyo 2 Askari ayaa laxaqiijiyay in ay geeriyoodeen tira kalane dhaawac soo gaaray.
Markii qaraxu dhacay ayay ciidamada dowladu Howgallo kedis ah ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Waaberi oo ay ku tuhmayaan in ay u carareen kooxihii qaraxa la eegtay ciidamada.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ah meel bishii lasoo dhaafay dhamaadkeedii lagu qarxiyay Sheekh Yuusuf Indha cadde Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaashaandhigga oo markii dambe weerarkaasi ku eedeeyay Madaxtooyada.
Qaraxyada iyo dilalka ka dhanka ah Askarta dowladda iyo saraakiisha la shaqaysa laamaha kala gedisan ee Dowlada Federaalka KMG ah ayaa kusoo laa laabtay magaalada Muqdisho waxayna qaraxyada qaar ka dhacaan meelo ay ku xooganyihiin AMISOM iyo ciidanka dowladda KMG ah.

Thursday, January 14, 2010


Wwaxaan aad ooga dhiidhinaynaa qaraxa loo gaystay bahda waxbarasha anigoo aad ooga xun ayaan halkan kumuujinayaa ayadoo ay ardaybadan oo soomali ah ay ila fikir yihiin